Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa Taariikh nololeedkii Alla haw naxariistee Garaad C/qani Garaad Jaamac oo uu
inoo soo diyaariyey wariye Cismaan C/nuur Xaashi
Halkan Ka dhagayso
Taariikh Nololeedkii Allahaw Naxariistee
Garaad C/qani Garaad Jaamac
Allahaw Naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac waxaa uu ku dhashay Magaalada Laascaanood
sannadkii 1935, halkaasi oo uu ku bartey Qur’aanka kariimka ah, waxaanu sidoo kale Dugsiga Hoose ka galay magaalada
Laascaanood 1945kii, Dugsiga Dhexe waxa uu ka galay Magaalada Shiikh sannadkii 1949.
Sannadkii 1953 ayuu ku biiray
Macahadka Farsamada Gacanta ee Magaalada Boorame, waxaanu allahaw naxariistee Garaad C/qani waxbarashadiisa Jaamacadeed ku
soo qaatey Dalka Ingiriiska dabayaaqadii sannadkii 1959, wuxuuna ka soo qalin jabiyey kuliyadda Siyaasadda.
Allahaw
naxariistee shaqadii ugu horraysey waxaa uu Garaadku ka qabtey Bangiga waxaanu guddoomiye ku xigeen ka noqday laantii Berbera
xiligii gumaystuhu haystey dalka, isla waayahaas waxuu Garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Ceerigaabo, mar kale ayaa
Garaadka loo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Berbera.
Allahaw naxariistee Garaad C/qani waxuu gobonnimada ka dib muddo
dheer madax ka ahaa Xafiiska Danaha Soomaalida, kaasi oo uu Garaadku wax weyn ka jibo keenay.
Allahaw Naxariistee Garaadku
wuxuu shaqada ka fadhiistey sannadkii 1981, Inta badanna waxa uu Garaadku nolashiisa ku qaatay Magaalo madaxdii Soomaaliya
ee Muqdisho, waxaana Garaadnimada loo caleema saaray Garaadka sannadkii 15-11-1985, iyadoo lagu caleema saaray Dooxada Geeda
Qarsay ee magaalada Laascaanood, ka dib markii uu geeriyooday Garaadkii hore Garaad Cali Garaad Jaamac.
Garaad C/qani
waxa uu ahaa Garaadkii 18aad ee dhaxla Boqortooyada Beelaha dega Gobollada Sool Sanaag Iyo Cayn, Garaadku waxaa uu ka mid
ahaa dadka faro ku tiriska ahaa ee dhaliilay hanaankii Dawladii Kacankii Max’ed Siyaad Barre,waxaanu ka mid ahaa 114kii
nin ee saxiixay Bayaankii caanka ahaa ee Maanofaysto ee 15 May sanadkii 1990 ka soo baxay magaalada Muqdisho.
Dawladdii
Raysul-Wasaare Cumar Carte Qaalib ee aan hirgalin ee dhammaadkii sagaashanaadkii waxaa Garaadka loo magacaabay 17kii Janaayo
Sannadkii 1990kii Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Allahaw Naxariistee Garaadku waxii ka danbeeyey burburkii Dawladdii Soomaaliya
ka dib waxaa uu ka qayb galay Shirar badan oo Soomaalida lagu nabaday nayey, waxaanu ahaa Shirkii ugu horreeyey kii ka dhacay
Tuulada Oog 5tii Febaraayo ee sannadkii 1991, kaasi oo ahaa shir xabbad joojineed ee ay wada gaadheen Beelaha Waqooyiga Soomaaliya.
Sidoo
kale waxaa uu ka qayb galay Allahaw Naxariistee Garaad C/qani Shirkii isna ka dhacay degmada Berbera, sidoo kale waxaa uu
Garaadku ka qayb galay shirkii ka dhacay Magaalada Burco sannadkii 1dii May 1991-kii, waxaa kale uu Garaad C/qani ka qayb
galay labadii Shir ee gogol xaadhka iyo Dhisidii Puntland sannadkii 1998, sidoo kale waxaa uu Garaadku ka qayb galay Shirkii
lagu soo dhisay Dawladdii Carta ee uu Madaxweynaha ka noqday C/qaasim Salaad Xasan sannadkii 2000.
Waxuu Garaadku maalinimadii
Shalay Ahayd ku geeriyooday Magaalada Jabuuti, waxaanu Allahaw Naxariistee Garaadku Ifka kaga tagay Saddex wiil iyo Sagaal
Caruur ah oo ay sii dhaleen, waxaana Maanta Garaadka Lagu Aaasay Xabaalaha Magaalada Laascaanood.
by cabdirisaaq saleebaan
caananuug mr buuhoodle